U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay In Ciidanka Xoogga Dalka u Tababaran Yihiin Dhowrista Xaquuqul Insaanka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo kulan la qaatay u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ka wada hadlay ka hortaga Askareynta iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka carruurta aan weli qaan gaari. waxana uu Wasiirka sheegay in dawladda Soomaaliya ay mar walba dhowrayso heshiiskii horey ay ula gashay UNICEF ee dhigayay in aan la askareyn carruurta da’doodu ka yar tahay 18.

Mudane Diini ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed la baro dhowrista xuquuqda aadanaha waqtiyada dagaalka iyo marka ay jirto xaalad caadi ah. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in  muddooyinkii la soo dhaafay qeybaha kala duwan ee ciidamada tababarada ay baranayeen ugu horeysay la dhaqanka bulshada iyo dhowrista xaquuqul Insaanka.

Wasiir Difaaca ayaa yiri: “Waxaa xil naga saaran yahay difaaca Xuquuqul-Insaanka, gaar ahaan ciidamadeena in aysan kamid noqon carruurta da’da yar. Sidaad la socotaan Soomaaliya waxay horey u saxiixday heshiis caalami ah oo dhigaya in carruurta da’doodu ay ka yar tahay 18 aan la askareyn”.

“Soomaaliya hadda waa ka gudubtay waqtigii lagu eedeyn jirey ciidamadeedu in ay yihiin carruur iyo wax lamid ah. Dhowr iyo toban sano oo dagaallo sokeeye ay jireen, kadib, maanta waxaan hormuud ka nahay dadka u diyaarsan  dhowrista shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha xuquuqul insaanka”.

“Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa la baraa shuruucda kala duwan ee dhowridda xaquuqul insaanka, gaar ahaan waqtiyada dagaalka sidaa la socotaan Soomaaliya waxaa ka socda qeybo kamid ah dagaallo u dhexeeya dawladda iyo cadowga Al-shabaab oo adeeggsanaya carruur da’yar, waana taa midda aan mar walba ku dhiiri gelino askarteena in ay ilaaliyaan xaquuqda dadka lagu qabto dagaalka”

U- qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga dhowrista xaquuqal Insaanka. Wuxuna tilmaamay in Soomaaliya  ay ka soo gudbeyso waqtigii lagu tilmaami jirey mid kamid ah dalalka ugu xad gudubka badan Xaquuqal Insaanka Caalamka.

Kulanka Wasiirku la qaatay Wafdiga Qaramada Midoobey ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Haweenka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir.

004 003 002 001