U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhiga oo Tabobar usoo Xirey Ciidamo Ku Sugan Teyeegloow

Sheeko:Dalka

XaamudWasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Xasan Xaamud ayaa maanta tabobar ciidamo ugu soo xirey degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu tababarka oga socdey muddo bilo ah.

Wasiirka iyo saraakiil AMISOM ka tirsan ayaa gaarey Tiyeegloow, iyada oo ciidamada tabobarka loosoo xirey ay gaarayaan illaa 350 askari.

Gaanshaanle Sare Cabdiraxmaan Maxamed oo ku sugan Tiyeegloow ayaa Goobjoog u sheegey in ciidamadani dareeskoodii loo qeybiyey, islamarkaasina loo qeybin doono hubkooda.

Waxa uu sheegey in ciidamadani ay ka qeybqaadan doonaan hawlgalada ka socda gobolka Bakool.

Dhageyso

Goobjoog News