U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga Dalka oo Gaaray Koonfur Galbeed

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur Galbeed, warar kale duwan ayaa kasoo baxaya safarkooda gobolka Baay.

Wasiirka wafdigiisa ayaa waxaa sidoo kale kamid ah taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, waxaana lagu sheegay safarkooda inuu la xiriiro sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan qeybo  kamid ah deegaannada Koonfur Galbeeed.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo Muqdisho uu ka dhacay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka wasiirradad, xildhibaannada, sakaakiisha ciidanka iyo Bulshada degta Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay sidii deegannada hoostaga looga bilaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News