U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odawaa oo Laftgareen Kala Hadlay Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta waxaa uu Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo safar shaqo Baydhabo ujooga.
Kulanka Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka waxaa looga hadlay sidii loo xoojin iyo dardargelin lahaa  howlgallada ka socda deegaannada Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhan ah Al-shabaab, wasiirka iyo taliye Odawaa ayaa horay u booqday gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada kale duwan.
Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo dadka deegaanka, waxaana deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bokool ay kala wareegeen Al-shabaab oo muddooyinkii badan ku sugnaa deegaanno dhow ah oo ka tirsan.
Goobjoog News