U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo Shuruud Ku Xirtay Ka Bixitaanka Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Wareysi ay wasiirka gashaandhigga ee Kenya Dr Monica Juma siisay Daily Nation ayaa sheegtay in ciidamadooda ay Soomaaliya kala soo bixi doonaan haddii shuruudo laga soo baxo.

 Mar la weydiiyey iney wax ka dhahdo wararka sheegaya iney kasoo baxayaan Soomaaliya ayaa waxaa ay tiri”  Haggaag, caddeyn uma baahna, Kenya waxaa ay ka mid tahay dalal ciidamadooda ay AMISOM ku jiraan, waxaan halkaas u aadnay kadib qaraarka golaha ammaanka, joogisteena waa mid ku xiran AMISOM”.

 Ma la weydiiyey haddii ay wadaan qorshe ay kasoo baxayaan waxaa ay tiri “ Waxaan qeyb ka nahay dadaal qorsheysan, waxaa na maamulo golaha ammaanka, qorshe bixid waa jiraa,oo ah marka ay xaaladda isbadasho, waxaa jirto sabab aan u aadnay Soomaaliya, waxaana jira shuruudo aan uga soo baxeyno”.

 Mar shuruudaha la weydiiyey waxaa ay wasiirka gashaandhigga ee Kenya Dr Monica Juma ku jawaabtay “ In Alshabaab laga adkaado iyo in ciidanka Soomaaliya ay awood u yeeshaan hanashada amniga’

Goobjoog News