U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Addis Ababa Uga Qeybgalay Shirka Amaanka Munich

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qeyb galay Shirka Amaanka Munich (MSC) oo wadajir u soo qaban-qaabiyeen dawladaha Jarmalka iyo Ethiopia, kana qeyb galeen ku dhawaad ​​60 hogaamiyayaal sare oo ka socda qaaradaha Africa, Europe, Maraykanka iyo Ururo Caalami ah,  iyadoo daaradda la saarayay ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada qeybo kamid ah Qaaradda Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo khudbad ka jeediyey Shirka ayaa madasha ka sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo ay la tacaaleyso koox argagixiso ah una baahan tahay taageero iyo in gacan buuxda laga siiyo horumarinta Ciidanka Qalabka sida si ay awood ugu yeeshaan dhamaystirka haraadiga Argagixisada.

Khudbad uu shirka ka jeediyay Wasiir Diini waxaa kaloo uu ku xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka iyo sida  loogu baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo.

Dhanka kale, Wasiir ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxdii shirka ka soo qeyb galay, waxana ay  isla soo qaadeen xoojinta xiriirka dhinacyadaasi kala dhexeeya Soomaaliya, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo taageerada dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

 

—-DHAMMAAD—

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya