U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Oo La Kulmay Taliyaha Ururka Midowga Yurub Ee Tababara Ciidanka Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socota Midowga Yurub oo hoggaaminayay  General Antonio Maggi  Taliyaha Ururka Midowga Yurub ee tababarada siiya Ciidamada Xoogga dalka  Somaliya. Waxana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta tababarada iyo taakuleynta Midowga Yurub ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Diini  ayaa uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraakiishu ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed. Isagoo tilmaamay in sanadkan 2016 la kordhin doono tababarada si kor loogu qaado xirfada iyo aqoonta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“ Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub waa mid wanaagsan. Waxeey nagala qeyb qadanayaan dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka oo matala dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan. Ciidan tababar fiican leh oo asluub iyo aqlaaq leh oo sidoo kalena dhowro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Wasiir Diini.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarida ciidanka Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taakuleynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,  isagoo ballan-qaaday inay kordhin doonaan tababarada ciidanka xoogga dalka Somalia.

?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????

 

            —-DHAMMAAD—

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya