U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Baladweyne

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi ka kooban xubno kale duwan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga ayaa qeyb ka ahaa  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Odawaa Yuusuf Raage, Xildhibaano Iyo Saraakiil kale.

 Maamulka dowlad goboleedka Hirshabeele, Sarakiisha ka tirsan Ciidanka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa ATMIS iyo mamulka Gobalka Hiiraan, ayaa qeyb ka qaatay soo dhoweynta wasiirka loogu sameeyay garoonka oo ku yaalla duleedka magaalada, waxaana loo soo galbiyay wasiirka iyo wafdigiisa xarunta madaxtooyada magaalada Baladweyne.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa waxaa ay booqdeen Taliska Ciidanka ATMIS ee Ceeljaale, waxa ayna kulama la qaateen Saraakarisha ATMIS iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo maamulka Gobalka Hiiraan, iyagoo ka dhegeystey warbixin xaaladada gobalka oo ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka dowladda iyo Macawisleyda.

Socdaalka wafdigaan ayaa kusoo beegmaya xili ay ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawisleyda oo ka socda waqooyiga gobolka  Hiiraan, kaas oo ciidamadu ay ku gaareen deegaanno badan oo hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan oo kawada tirsan gobolka, waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.

Goobjoog News