U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo La Kulmay Taliyaha Cusub Ee Africom

Sheeko:Amniga

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federalka  Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka AFRICOM ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Taliyaha cusub ee AFRICOM Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka iyo taageerada ay siiyaan ciidanka Soomaaliya, xilliga ay howlgalayaan.

Wasiirka iyo taliyaha a ayaa waxaa ay is dhaafsadeen  sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab, Africom ayaa ciidankooda waxaa ay howlgallo dhowr ah  ka fuliyaan  Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Taliyaha ciidamada Lugta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda.

Wasaaradda Gaashandhigga ayaa waxaa ay sheegtay in ay xoojisayso  dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab iyadoo ay howlgallo ay ka socdaan gobollada dalka, ciidanka ayaa la wareegay deegaanno  dhowr ah ka tirsan gobolka Hiiraan.

Goobjoog News