U bood dhigaalka

Wasiirka Gadiidka Koonfur Galbeed Oo Kismaayo Loogu Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#126,  oo maanta lagu dooranayay magaalada Kismaayo.

Kursigaan ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Xasan Xuseen Maxamed (Eeley) & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen.

Xasan Xuseen Maxamed (Eeley)  ayaa ku guuleystay kursiga HOP#126, ee Golaha Shacabka , kadib uu helay 74 cod, halka musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Macalin Xuseen 21 cod .

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Jubbaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga HOP#126, oo uu ku guuleystay Xasan Xuseen Maxamed (Eeley)  oo ah wasiirka gaadiidka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.
Goobjoog News