U bood dhigaalka

Wasiirka Ganacsiga Oo Goobjoog Fm Uga Waramay Shirarka Maalgashiga Iyo Ganacsiga Ee Nairobi

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warashada xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed oo wareysi siiyey Goobjoog Fm isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa faah faahin ka bixiyey shirarka maalgashiga Soomaaliya iyo ganacsiga ee ka dhacay magaaladaasi.

Waxa uu sheegay wasiirka in shirarkaan ay ahaayeen kuwo is barbar socday, islamarkaana shir shalay ka dhacay magaaladaasi looga hadlay arrimo ku aadan sidii loo horumarin lahaa arrimaha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

“Waxaa jiray shir shalay dhacay oo ay qaban qaabisay safaaradda Soomaaliya ku leedahay Kenya oo kaashanaysa dowladda Kenya iyo Bangiga Addunka, waxaa looga hadlay sidii wada hadal loogu furi lahaa dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay iyadoo ay dhex dhexaadinayaan oo kaalmo ka geysanayaan qibradooda iyo wixii ay ku dari karaan Bangiga Addunka, waxaa kaloo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyadoo ay yimaadeen shirka ganacsiga gaarka loo leeyahay sida bangiyada Kenya oo damacsan inay xarumo ka furtaan Soomaaliya”

Dowladda Kenya ayuu sheegay in xilligan ay aad u daneynayso in dalka ay maalgashato.

“Soomaaliya dhaqaalaheeda inkastoo dhibaato haysato hadane waxay leedahay kheyraad cid walbo soo haweysanayso dowladda Kenya aynu deriska nahay Soomaali badanna ay ka shaqeystaan waxay daneynaysaa in maalgashi iyo Bangiyo ka furato Soomaaliya, waxaana shirkaasi goobjoog ka ahaa wasiiradda arrimaha dibadda Kenya oo hadal dheer ka jeedisay, wasiirka warashada Ganacsiga Kenya, madaxda bangiyada waddanka Kenya dhammaan wey yimaadeen iyagoo muujiyey rabitaankooda oo ah in Soomaaliya maalgashi ku sameeyaan”

Wasiir C/rashiid oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walbo oo dalka maalgashi ku sameysanaysa maraysana wadada ay dowladda rabto.

“Maadaama Soomaaliya u raadineyno in maalgashi loo helo waxaan soo dhaweynaynaa cid walbo oo nagula heshiin karto wax aan annaga rabno inay nala qabtaan, waxay inoo ahayd muhiimadda Koowaad inaan dhageysanno warka Kenya”

Mar uu wasiirka ka hadlay maalgashiga xilligaan ay doonayso in Kenya ay ka sameysato ayaa wuxuu yiri “Maalgashiga 1-aad ee Kenya doonayso inay dalka ka sameyso ayaa ah in Bangiyada caalamiga ah ee dalkaasi ka diiwaangashan ay faracyo ka furtaan Soomaaliya iyaga oo maraya sharciyada Bangiyada Adduunka, waxaana meesha Goobjoog ka ahaa wasaaradda maaliyadda iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo aan u xilsaarnay inay wada hadal la furaan si ay u maraan shuruucda waddankeenna u taalla”

Dhinaca kale wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen Bangiga Adduunka iyo sidoo kale waxyaabihii ay kala hadleen.

“Annaga waxyaabo badan baa inooga baxay, waxaan wada hadal la furnay Bangiga adduunka oo mashaariic rabo inuu Soomaaliya ka fuliyo una sheegnay in mashaariicdaasi aysan fulin iyadoo aanay dowladda ka war hayn, muhiimad weyn ayeey dalka u leedahay mashaariicdaasi oo haddii Soomaali ay qaban karaan iyaga la siiyo haddii aanay u lahaynna lagu lamaaneeyo dadka, fursadna la siiyo aqoonyahannadeenna” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir C/rashiid Maxamed Axmed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waddo dadaal badan oo ku saabsan baadigoobka shirkado iyo hay’ado dalka maalgashi ku sameysta.

Goobjoog News