U bood dhigaalka

Wasiirka Ganacsiga oo kala diray maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warashadaha

Sheeko:Ganacsiga

Waxaa goordhow si rasmi ah loo kala diray maamulka rugta ganacsiga iyo warashadaha ee hadda jira iyada oo la magacaabay maamul kale oo KMG ah.

Sababta waxa alagu sheegay xaaladda cakiran ee ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo in dib u habeyn lagu sameeyo rugta ayaa go’aanka la gaaray

Waxaa si KMG ah loo magacaabay guddoomiye, labo ku xigeen iyo 30 xubnood oo matalaya ganacsatada Soomaaliyeed.

Cabdullahi Nuur Cusmaan oo ka tirsan Hormuud ayaa guddoomiye laga dhigay halka Cabdiweli Maxamuud Warasme iyo Cali Xasan oo ka kala socda Somtel iyo Almoha General Trading sida ay u kala horeeyaan laga dhigay guddoomiye ku xigeenno