U bood dhigaalka

Wasiirka Gashaandhigga Japan Oo Booqasho Ku Tageysa Djabuti

Sheeko:Dalka

Tomomi Inada oo ah wasiirka gashaadhigga dalka Japan ayaa la sheegayaa in ay booqasho afar maalmood ah ku tageyso doonto dalka xeebta ah Jabuuti.

Ujeedada safarka wasiirka ayaa lagu sheegay in ay tahay kormeerid la xiriirta ciidamada dalkaas ka jooga dhulkaas ee ku aadan la dagaalanka burcad badeedda.

Booqashadan waa tii ugu horeysay ee dibadda ay dalka uga baxdo tan iyo markii la magacaabay, waxaa ay Jabaan dib ugu laaban doontaa August 15 oo ah maalin dalkaas lagu xuso gabagabadii dagaalkii 2aad ee adduunka.

Goobjoog News