U bood dhigaalka

Wasiirka Haweenka Oo Sheegtay In La Weeraray Gurigeeda

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Marwo Xaniifa ayaa sheegtay in ciidama ka amar qaata madaxweynaha dowlad gobaleedka koonfur galbeed ay weerar ku qaadeen hoy ay daganeyd hooyadeed.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ayeey ku sheegtay Wasiirad Xaniifa Xaabsade in mas’uuliyadda weerarka guriga Hooyadeed uu qaadayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ay dil ugu Hanjabeen Habar yarteed oo guriga ku sugneyd xilliga la weerarayay.