U bood dhigaalka

Wasiirka Isgaarsiinta: Waxaa La Baarayaa Ciladda Internetka

Sheeko:Amniga

Wasiirka boostada iyo  isgaarsiinta Cabdi Canshuur oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in Internetka u baxay ciladda ku saabsan xargo badda ah oo jarmay.

Mudane Canshuur ayaa intaasi ku daray in shirkadda Dalkom ee Internetka ay baaris waddo, laguna kabi doono haddii loo baahdo khubaro caalami ah.

Mar aan weydiiney in dowladda ay jartay, Wasiirka arrintaas waa iska fogeeyey isaga oo rajeeyey in sida u dhaqasaha badan la cilad bixin doono.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Internetka uu ka maqan yahay uun caasimadda, oo gobollada ay heystaan isaga oo ka hadlay iney la heli doono qaabab kale oo Internet lagu helo inta la sugayo midka xargaha ah.

Goobjoog News