U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda ”Miisaaniyadii laga sugayay caalamka oo ahayd 49% soo gaarin dowladda”

Sheeko:Dalka

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudan Maxamed Aden Ibraahim Fargeeti ayaa hortagay golaha baarlamaanka, si wax looga weydiiyo sida ay ku baxday miisaaniyadda 2015,  49 milyan oo soo xarootay siday ku baxday shantii bilood e e ugu horaysay sanadkaan, mushaar la’aanta haysta shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, dhaqaalo la’aanta soo wajahday dowladda.

Ugu horayntii Wasiirka ayaa faafaahin ka bixiyey howla balaaran ay wasaaradda maaliyaddu u hayso dalka, caqabadaha soo food saaray miisaaniyadda iyo horumarka ay wasaaradda maaliyadda ka samaysay dhanka isla xisaabtanka.

“|Wasaarada maaliyada waxay ku howlan tahay dib u habaynta maaliyadda dalka, waxaana ku guulaysanay nidaam caalamku aqoonsan yahay oo loo yaqaan FMIS, waa qaab electornic ah, oo lagula soconayo dhaq dhaqaqa lacaga ka baxaya wasaarada ilaa bangiga iyo meelaha dakhliga ka soo xaroonayo, waaa arin mudan in lagu faano. Wasaaradda maaliyadda waxay diyaar u tahay in golaha shacabka iyo bulsha weynta Soomaaliyeed u soo gudbiso kharashkii shanta bilood  ee ugu horaysay sanadkaan soo xarooday iyo siduu ku baxay.  Waxaa kale oo Wasaaradu ku mashquulsan tahay diyaarinta shuruucda lagu hagayo maaliyadda dalka, oo ay ka mid yihiin: sharciga iibka qaranka oo horyaala barlamaanka, sharciga hufnaanta iyo maamul wanaaga, sharciga lacag  been xalaalaysiga (money Laundry) iyo sharciga canshuuraha.

Intaa ka dib xildhibaanada ayaa bilaabay su’aalo ay weydiinayaan wasiirka, waxaana su’aashii ugu horaysay weydiiyey xildhibaan Cabdullahi Jamac Kabaweyne oo yiri Maxaa sababay mushaar la’aanta soo food saartay ciidamada, shaqaalaha rayidka ah iyo xildhibaanada?.

“Wasiirka maaliyadda oo ka jawaabayey su’aashaas ayaa  yiri “Miisaaniyada  51% ayaa la qorsheeyey in dakhliga gudaha ay ka timaado, 49% waxaa qorshaysnayey  iney ka timaado deeqaha dibada oo mar kasta lagu saleeynayey  miisaaniyada sanadihii ugu danbeeyey,meesha dhaqaalo xumadu ka timid waa iyadoo aysan ka soo xaroon hal doolar lacagtii laga filayey dibadda, arinka kale oo dib u dhaca u keenay mushaaraadku waa qaybta ugu badan oo uu bixin jiray World Bank oo heshiisku ahaa hal sano ayaa la badalay nidaamkii kadib markii bishii Febarayo ay dhaamtay waqtigii heshiisku dhigayey, waxaan hada ku guulaysanay inaan heshiis la saxiixano Bangiga Aduunka, kaas oo ay ku kabayaan mushaaradka shaqaalaha, waxaana ku rajo weynahay in bisha Maarso laga soo bilaabayo mushaaradka, lacagahaasna qaybtooda ay ka sugayno  Bangiga Aduunka inuu bixiyo” ayuu yiri Wasiir Fargeeto’

Wasiirka oo ka jawabayey su’aal ku saabsanayd joojinta Hanti Dhowrku uu joojiyey Waaranadii Bangiga looga dalbanayey Lacagaha ayaa sheegy: “Hanti dhowrka sharciga maaliyadda u degsan wuxuu xaq u leeyahay inuu diwan galiyo waaranada, wuxuuna fiirinayaa inuu waarankaan uu miisaaniyada ku jiro, hadii uu arko in uusan miisaaniyadda ku jirin waa joojin karaa halkaas waaran, lakiin sharci ahaa dhamaan dhaq dhaqaaqyada dowladda ee dhanka lacagaha ma hor istaagi karo sharcina umalahan’ ayuu yiri mar kale wasiir Fargeeti.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in macluumadka ku aadan dhaq dhaqaaqa maaliyadda markasta la wadaagnaa gudiga maaliyadda ee baarlamaanka, waxaa kale oo xusid mudan Hay’ada Lacagta Aduunka IMF Warbixintii ay soo saaratay in  lagu amaanay habka dowladu u maarayso maaliyadda, waxayana IMF ka digtay in miisaaniyada aysan ahayn mid waaqici ah oo ka turjumaysa marxalada dalka, taas oo sabab u ah deeq bixiyayaasha caalamka oo ka gaabiyey iney Miisaaniyada ay kabaan.

Goobjoog News