U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Ka Dambeysa Dhimista Miisaaniyadda Dowladda

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeto ayaa xildhibaanada baarlamaanka waxa uu sharaxaad dheer ka siiyay sababaha xilligaan keenay in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyadda dowladda.

Waxa uu sheegay wasiirka in sababta arrintaan soo dedejisay ay tahay fulin la’aanta balanqaadyada deeqihii dibadda, sidaa darteedna ay haboon tahay in la’isku tashadao si isku filnaansho loo gaaro.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aallo badan weydiiyay wasiirka kuwaasi oo ay u arkeen in muhiim ay u tahay howsha socoto.

Wasaaradda ayaa soo jeedisay in hoos loo dhigo kharashka Miisaaniyadda in ku dhaw us$42 Malyan oo ah 17.4% Miisaaniyadii hore loogu talagalay.

Deeqaha dibadda ayaa waxaa hoos loo dhigay 36.5%, lacagaha la waayay dhanka deeqaha waxaa ka mid ah, deeqihii laga sugaayay dowladda Turkiga iyo Jaamacadda Carabta oo guud ahaan miisaaniyadda ka ahaa kaalin wax ku ool ah.

Meelaha Wasaaradda soo jeedisay in la dhimo waxaa ka mid ah:-

Si loo dhameystiro ku noqoshada Miisaaniyadda 2015-ka waxaa lama huraan ah in laga jaro kharashka meelaha soo socda.

  1. Gunnada Siyaasiyiinta.
  2. Mushaarka iyo Gunnooyinka shaqaalaha.
  3. Gunnooyinka Ciidanka Xoogga dalka iyo Booliiska.
  4. Raashinka Ciidanka
  5. Adeegga Xafiisyada dowladda

Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arimahaan ayaa waxaa lagu wareejin doonaa howshaan si loogu soo daro talooyinkii lasoo jeediyay.

Goobjoog News