U bood dhigaalka

Shirkii Ka Socday Muqdisho Ee Looga Tashanayey Nidaamka Maaliyadda dalka Oo Lasoo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyadda  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeeti”  ayaa maanta Muqdisho ku soo xiray shir balaaran oo mudo sadex maalmood ah u socday Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiiradda Maamul Goboleedyada dalka, waxaan shirka laga soo saaray war murtiyeed ka koobaan sagaal qodobo wax ku ool ah oo ku aadan dhinaca maamulka maaliyadda Dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay xiritaankii shirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay howsha wacan ee ay sida wada jirka ah u qabteen gudigii Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Wasiiradda ka socday maamul goboleedyada.

‘’Waxaa manta farxad weyn ii ah inaan soo gabagabeyno shirkii inoo socday mudadii sadexda maalmood aheyd ee lasoo dhaafay, waxaan iska xog wareysanay  kana doodnay xaalada guud ee nidaamka maaliyadda dalka, waxaa kale oo farxad ii ah in shirkaan ay ka soo baxeen qodobo dan u ah shacabka Soomaaliyeed oo mar kasta dowladu u taagan tahay sidii horumar loo gaarsiin lahaa” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Wasiirka Maaliyada XFS Maxamed Aadan Ibraahim ayaa tilmaamay in shirkaan uu ahaa mid isku soo dhaweeyay Dowladda iyo Maamulada Dalka kajira, isagoona ku boorriyay dhinacyada shirka  inay iska xilsaaraan dhaqan galinta qodobadii shirka ka soo baxay.

Sidoo kale Wasiir Fargeeti ayaa sheegay in shirarka noocaan oo kale ah ay sii socon doonaan laguna qaban doono casimadaha maamul goboleedyada dalka, si shacabiga Soomaaliyeed loo gaarsiiyo hanaanka Dowladnimo iyo hormar.

Dhanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare ayaa kulan isbarasho iyo dar daaran ah kula qaatay xafiiskiisa Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirada ka socday maamulada goboladda, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyey maamulada goboladu iney xoojiyaan wada shaqaynta kala dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo qaybaha kala duwan ee Dowladda.

Ugu danbayntii, shirk ayaa waxaa laga soo saaray Sagaal qodob oo kala ah:

  1. In Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Somaaliya ay Maamul Goboleedyada Gacan ka siiso sidii loo hormarinlahaa tayada Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradaha Maaliyadda  ee Maamulada dalka

 

  1. In Dowladda Federaalka iyo Maamuladda ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad ah iyadoo ay hormuud ka noqoneyso Wasaaradda Maaliyadda DFS.

 

  1. In lamideeyo canshuuraha iyo Tariifooyinka dalka, lana abuuro guddi heer Qaran ah oo ka shaqeeya arimahaan.

 

  1. In labaahiyo maamul wanaagga, isla markaana sisiman loo gaarsiiyo dhamaan barnaamishka maareynta  Maaliyadda Maamul Goboleedyada.

 

  1. In la dhaqan galiyo adeegsisiga qaabab Maaliyadeed casri ah oo isku mid ah.

 

  1. In kulankaan kiisa xiga ay go’aamiso Wasaaradda Maaliyadda DFS  Halka uu ka dhacaya.

 

  1. In si cadaalad ah loo qeybsado deeqaha laga helo deeq bixiyayaasha.

 

  1. In la is waafajo shaqada iyo hanti-dhowrnimada.

 

  1. In siyaasad loo dhanyahay laga yeesho lacagta shilin Soomaaliga ah oo sii dabar go’asa.

007 006 005 004 003 002 001