U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Oo Washington Uga Qeybgalaya Shirkii Sanadlaha Ahaa Ee Bank-iga Adduunka iyo IMF

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farketi iyo Wafti balaaran oo ka mid ah Hayadaha lacagta dalka, Gudiga maaliyadda u qaabilsan Barlamanka, La taliyayaala ka kala socda Wasarada Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa ka qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda Sanduuqa Caalamiga ee Aduunka IMF iyo Bangiga Aduunka.

Shirkan sanadlaha ayaa waxaa isugu yimaada wakiilo ka kala socda caalamka waxaana looga hadlaa caqabadaha ka jira dhaqaalaha aduunka, Sidii loo gacan qaban lahaa wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo, In kor loo qaado maalgashiga lana sii wado daymaha la siinayo dalalka soo koraya.

Wasiirka Maaliyadda mudane Farketi ayaa shirka ka jeediyey khudbad ka hadlaysa heerka uu maanta marayo dhaqaalaha Soomaaliya, daynta lagu leeyahay dalka iyo sidii looga cafin lahaa.

“Shirkaan waa mid sanadkiiba mar la qabto, waxaana nasiib wanaag ah in shirkaan ku soo beegmay xili maalmo ka hor ay dowladda Soomaaliya iyo Hay’ada Sanduuqa Caalamiga ah ee Aduunka IMF ay kala saxiixdeen heshiis ku aadan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay, waxaana fursad u helnay inaan la kulano madaxda ugu saraysa ee Bangiga Aduunka iyo IMF si loo sii amba qaado dhamaystirka heshiiskii Nairobi” ayuu yiri Wasiir Farkeeti oo dhanka kalana sheegay in Soomaaliya ay awood u yeelan doonto iney hesho Daymo ay uga baxdo dhaqaalo xumada ka taagan dalka.

Wasiirka maaliyadda ayaa mudooyinkii la soo dhaafay dadaal dheeraad ah u galay sidii loo hagaajin lahaa shuruucda Maaliyadda dalka, si shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka ugu kalsoonaadaan dhaqaalaha soo gala dalka, waxaana ilaa iyo hada Wasiirku ku guulaystay in lagu qaado canshuuraha Furdooyinka iyo Qaybo ka mid ah Canshuuraha Bariga qaab casri, sidoo kale Wasiirka ayaa waqti badan ku bixiyey sidii Soomaaliya looga cafin lahaa dayn gaaraysa 5.4 bilyan oo doolar, taas oo maanta maraysa heer gaba gabo ah.

_MG_5000 _MG_4990 _MG_4960 _MG_4945

—DHAMAAD—