U bood dhigaalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Hormarinta Dhaqaalaha Dalka

Sheeko:Amniga
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xalay kulan casho iyo mahadcelin ah kula yeeshay magaalada Nairobi xubno sare oo ka socda saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ka taageera horumarka iyo dhinaca dhaqaalaha.
Kulanka ayaa looga hadlay dadaalada Dowladda Federaalka ee ku aadan dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo ku aadan dadaallada dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada kala duwan ee lagu hormarinayo hannaanka dhaqaalaha.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federalka ayaa la wadaagay Saaxiibadda Soomaaliya sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya kordhinta dakhliga gudaha, horumarinta Maamulka Maaliyadda Guud iyo nidaamka hufan ee Dowlad Wanaagga.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomalaiya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu saaxiibada caalamka uu kala hadlaayay sida dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh ugu diyaarsan tahay ka dhabeynta in la helo hannaan lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka.
Goobjoog News