U bood dhigaalka

Wasiir Rooboow oo Ku Baaqay in Amniga Loo Midoobo

Sheeko:Amniga

Wasiirka Owqaafka iyo arrimaha Diinta xukuumadda federalka Soomaaliya Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo kulan la qaatay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, waxaana uu baaq u diray dhallinyarada u ku jirta Al-shabaab, isagoo ugu baaqay in ay isaga baxaan farkarkaas.

“Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaabka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilmahooda Iskuulo iyo Jaamacado ayey Xamar ka dhigtaan ama aduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yeysan been idin sheegin, ilmo ay dhaleen uma soo diraan shaqadaan, waxaan leyahay baraaruga ee haddeer Toobad keena ee ka imaada oo umaddiina dib ugu soo laabta “ayuu yiri.

Wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in loo baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ay midoobaan, taas oo qeyb ka qaadan karto amniga dal iyo halheyskii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah ,isaga  oo tusaale u soo qaatay deegaannada Somaliland oo uu sheegay in shacabka iyo ciidanku ay u midoobeen sugidda amnigooda.

” Somaliland waa tan nagama foga, hal shey waa laga fulin waayay, limaadaa? dadka ayaa isku duuban, kan geela jira, kan ganacsiga ku jira iyo hooyada waxa dareen galiyo ayuu soo sheegayaa. Waxaan rajeyn doonaa in Muslimiintu midoobaan, sida uu sheegay madaxweynah dalka, Soomaali heshiis ah dunida kale heshiis la ah waa in la helaa” ayuu Wasiir Rooboow.

Hadalka kasoo baxayWasiirka Owqaafka iyo arrimaha Diinta xukuumadda federalka Soomaaliya Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo weerar lagu qaaday hotelka Xayaat ay ku nafwaayeen dad ka badan 20 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 117 kale, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay in ay ka dambeeyeen Al-shabaab.

Goobjoog News