U bood dhigaalka

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha “Dhalinyarada Wax Baratay Ayaa Ka Badatay Kuwa Qoryaha Heysta”

Sheeko:Dalka

Injineer Luqmaan Maxamed IsmaaciilSii hayaha wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya Injineer Luqmaan Maxamed Ismaaciil ayaa sheegey in ay jiraan ifafaalooyin badan oo rajo galiyey isaga , islamarkaasina dalka Soomaaliya u muuqdo mid kaga gudbi kara caqabadaha heystey.

Injineer Luqmaan ayaa sheegey in rajooyinka uu arkayo ay ka mid tahay in maanta dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax baratay, kana baxday jaamacadaha iyo goobaha kala duwan ee waxbarashada ay ka tiro bateen kuwa qoryaha heysta.

Waxaa kale oo uu sheegey in dadkii Soomaaliyeed ay si wanaagsan u barteen diinta islaamka, islamarkaasina dadka shirkadaha waaweyn ee xoolaha badan heysta ay yihiin kuwa alle ka cabsanaya.

Wasiir Luqmaan ayaa sidoo kale tilmaamay in lasoo marey xili aanan madaxda dalka wax loo sheegi karin, hadana la marayo in illaa heer madaxweynaha loo sheegayo dhaliilihiisa, tanina ay ka midtahay waxyaabaha isaga rajo galinaya.

Mar uu ka hadlayay cabsiyaha haya ee dalka ku saabsan ayuu sheegey in wadamada dariska iyo kuwa kale ee aduunka danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya ay tahay wax laga walwalo, balse taasi ay ugu wacantahay Soomaalida oo iyadu wali is-heysatana, dad ajaaniib ahna ay ku kala dhex jiraan.

Waxaa kale oo uu farta ku fiiqey in kii wax bartay iyo kii kalaba ay dadka dhamaan doonayaan in ay dibadaha wada aadaan, isagoo isweeydiiyey cidda dalka loo baneynayo.

Wuxuu codsaday in illaahay lagu xirnaado, isaga oo tusaale usoo qaatay in marka nabigeena suuban SCW marka ay arrin culees ah soo foodsaarto in uu dukan jirey, illaahayna baryi jirey “Hadda hey’adaha adduunka ayaan barinaa marka uu culees na qabsado, waxaan leeyahay dadka adduunka oo dhan waa fuqaro illaahay hortiis, ee alle uun aan barino” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale mar uu ka hadlay nidaamka waxqeybsiga ee 4.5 ee beelaha ayuu sheegey in laga gudbi doono, loona gudbi doono in la’isa soo doorto.

Dhageyso

Goobjoog News