U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta Daahir Geelle Oo Difaacay Heshiiska Dekadaha Ee Itoobiya Iyo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Daahir Maxmauud Geelle oo maanta qabtay shirkiisa jaraa’id ugu horreysay tan iyo markii la magacaabay ayaa sheegay in uu tixgelinayo xuriyadda saxafadda isaga oo soo-jeediyay in marka laga hadlayo arrimaha dalka taabanaya looga hadlo si ammaano leh, oo tixgelinaya xaaladaha iyo duruufaha uu dalka marayo looga hadlo.

Daahir Geelle waxaa uu si faah-faahsan uga hadlay booqashada ra’isul wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in lagu heshiiyay qodobbo loo baahnaa iyo waqti loo baahnaa dhanka amniga, qunsuliyadaha iyo iskaashiga dhaqaale.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Waa la isla soo qaaday, oo la isku afgartay in dekado la sameeyo, dekadahaas 4 dekadood ayey noqonayaan, oo ballaaran oo maalgeshi loo raadiyo, maal-geshiga waxaa laga yaabaa dadka marka ay maqlaan in labada dowladood ay maalgelinayaan laakin hey’adaha maalgelinta adduunka iyo dowladaha wax maalgeshido iyo shirkadaha waaweyn iyo shakhsiyaadka labada dal ka soo jeeda intaba waxaa ay noqonayaan dal maalgeshan karo…dekadaha waxa la socdo jidad waaweyn oo isku xira badeecada meesha ay ku degto iyo mesha u soco”.

Daahir mar uu ka hadlayey walaaca dadka Soomaalida waxaa uu yiri“Dadka Soomaaliyeed waxaa ay isweydiin karaan xaq ayeyna u leeyihiin inay isweyddiyaan maadaama taariikhda sooyaalka sida waddamo badan oo daris ahba colaado badan iyo xanuuno badan ay jiraan suuro-gal ma tahay in si sahal ah looga gudbo? Waxaan dhihi karaa waa su’aal xaq ah, waa su’aal macquul ah, waa su’aal iman karto, laakin heshiis macno leh markii la rabo inuu badalo colaad sooyaal ah waxa ugu horreya waxa ay tahay in la abuuro maslaxad dhaqaale iyo isdhexgal

Ugu dambeyntii waxaa uu Daahir sheegay in la sameyn-doono guddiyo farsamo, khubaro, lana marsiin-doono hey’adaha ku shaqada leh sida baarlamaanka oo ay tahay inay ansixiyaan heshiisyada caalamiga ah.

Aragtida Baarlamaanka:

Xiriirro aan la sameynay Xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay ka gaabsadeen inay heshiiska ka hadlaan, iyaga oo sheegaya in uu qotto-dheer yahay waqti iyo fahamna u baahan yihiin.

Dhinaca kale, Senator Axmed Cabdi  Xafid Maxamud (Bulsho) oo ka mid ahaa Xildhibaannadii aqalka sare aan kala hadalney ayaa naga ogolaaday inuu arrintan ka hadlo, waxaa uuna yiri´ Wax badan  ayaa dhimman, oo waa in baarlamaanka 2badiisa aqal la horkeenno, illaa xad waxaan u arkaa wanaag, oo dhanka wanaagga ayaan ka fiirin lahaa, waan is dagaalnay, in la taagnaado micno ma sameyneyso, Itoobiya ciidamo ayaa Soomaaliya ka joogo, oo beesha caalamka, IGAD iyo Midowga Afrika ayey ku jirtaa, marka heshiiskan  biow fiican waayey,

Goobjoog News