U bood dhigaalka

Wasiirka Warfaafinta: Wax Dhaqaale Ah Loogama Hadlin Kulamadii La Xiriiray Dhacdooyinkii Khaliijka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya  Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa iska fogeeyay in dowladda Soomaaliya loo sheegay wax lacag ah arrinta la xiriirka Khilaafka Sacuudiga iyo Qatar.

Wasiirka warfaafinta ayaa intaa raaciyay in haba yaraatee, aan wax dhaqaale ah looga hadlin kulamadii la xiriiray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee arrimaha Khaliijka.

Hadalka wasiirka waxaa uu jawaab u ahaa hadallo ay warbaahinta qaar qoreen oo sheegayey in dalal qaar ay dowladda federaalka ah kala hadleen dhaqaale in ay ku badashaan taageeridda fikirkooda.

Mr. Yarisow waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka ay leeyihiin xiriir walaaltinimo oo qotodheer, ayna ka dhaxeeyaan dano badan oo ku dhisan iskaashi iyo wax wada qabsi.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda, wasiirku waxa uu ugu baaqay bahda Warbaahinta in ay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee ka durugsan xushamadda iyo dhaqanka diblomaasiyadda, isaga oo kula dardaarmay in ay ka fogaadaan faafinta wararka aan salka lahayn ee wax u dhimi kara kaaramada iyo sharafta Qaranka iyo tan dalalka aan walaahaha nahay.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka istaagtay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar, arrintaas oo shacabka iyo dowladda isku aragti ka noqdeen.

Goobjoog News