U bood dhigaalka

Wasiirka Waxbarashada: Jaamacadaha Waa In Qoondo Lacag La’aan Ah Siiyaan Dadka Laga Tirada Badan yahay

Sheeko:Dalka

Shir saddex maalmood soconaya ayaa maanta ururka Jaamacadaha Soomaaliya uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 40 Jaamacadood ayaa waxaa furay wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya mudane Dr. Cabdiqadir Cabdi Xaashi.

Wasiirka waxaa uu ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in Jaamacadaha ay isa saxaxaan, oo sharciga Jaamacadaha u hogaan sammaan, shahaadada iyo waxbarashada dalkana aaney noqon sida maqaayadaha oo kale.

“ Jaamacadaha waa in ay isa saxaan, ma jirto dunida Jaamacad ardey walba iska aqbasha oo hadana aan lagu dhicin, marka arrintaas wax ha laga badalo”.

Wasiirka waxaa uu sheegay in dowladda ay is garab istaagi doonto Jaamacadaha isagoo soo jeediyay in Jaamacadaha yaryar ay isku biiraan, si ay uga fogaadaan sharciyada dowliga ah.

Mr. Dr. Cabdiqadir Cabdi Xaashi waxaa kaloo uu Jaamacadaha kula taliyay in ay dhigaan waddaniyadda si ardeyda dalka iyo taariikhda u bartaan, isagoo ka codsaday milkiilayaasha Jaamacadda in ay qoondo ka siiyaan lacag la’aan ah dadka laga tirada badan yahay.

Dhinaca kale, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha ururka jaamacadaha Soomaaliyeed Daahir Carab isaga oo dowladda ka codsaday in ay gacan siiyaay Jaamacadaha si ay u noqdaan kuwoo la tartama Jaamacadaha kale ee dunida.

Mr. Daahir Carab iyo madaxda ururka oo la doortay 26kii August sanadkii hore, waxaa ay soo bandhigeen waxqabad ay sheegeen in uu ku jiro: dastuur iyo xeer hoosaad uu ururka yeesho, Miisaaniyadda 2016/2017, Web iyo Bog Facebook uu ururka leeyahay iyo Jaamacadaha ururkan  in ay is dhaafsadaan Macluumaad iyo arrimo kale oo laga doodi doono muddadada uu shirka socdo.

Shirkan ayaa la filayaa in uu socdo, muddo 3 maalin ah, waxaana sidoo kale looga hadli doonaa sida Jaamacadaha ururka isku dhaafsan lahaayeen Macalimiin, Manhaj iyo Research.

Goobjoog News