U bood dhigaalka

Wasiir Hore Fowsiya Yuusuf Xaaji Oo Kamid Noqotey Xildhibaannada Aqalka Hoose

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta loo doortay xubin ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiya oo ay la tartamayeen 3qof labo rag ah iyo haweenay; ayaa waxaa xarunta doorashada ee Gaadiidka ayaa waxaa timid Caasho Aadan Yuusuf oo qura, codeynta kadib waxay Fowsiya Xaaji Aadan ku guuleysatay codad gaaraya illaa 45 cod, halka  Caasho Aadan aysan helin wax cod ah.

Doorashada aqalka hoose ee gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta waxaa sidoo kale lagu doortey Labo kursi oo beelaha waqooyi ah, waxayna wadarta guud ee xildhibaannada Somaliland ee aqalka hoose ka dhigeysaa 37 xildhibaan.

Doorashada aqalka hoose ee Somaliland waxaa ka harsan doorashada 10 kursi, iyadoo dhanka kale Todobaadkan gudahiisa la filayo in ay dhacdo doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliland.

Goobjoog News