U bood dhigaalka

Wasiiro ka dalbaday Ra’iisul wasaare Cabdiweli in uu is casilo

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uga dalbanaayaan in uu is casilo ka dib markii ay sheegeen in khilaafka uu sii xoogeystay.

Wasiirka Arimaha gudaha xukuumada dalka, Cabdulaahi Goodax Barre oo u waramay Idaacadda VOA, waxa uu sheegay in waraqadaasi ay ku saxiixan yihiin ilaa 16, wasiir oo qaarkood dalka ay ka maqan yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar uu wasiirka faah faahin ka bixinaayay warqadaasi waxa ku qornaa, ayuu sheegay in ay ahayd mid ay ugu nasteexeynayeen Ra’iisul wasaaraha, ayna ka dalbanayeen in uu noqdo qofka tanaasulka sameeya.

Wasiirka ayaa sheegay in khilaafka madaxda aanu dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed, sidaa darteed ay doonayaan in meesha laga saaro wax walba uu dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul waaaraha waxaan kula talinay in isaga uu noqdo midka tanaasula, halka umadda ay ku jahwareeri lahayd khilaafkaan, sidoo kalena howlihii shaqo ee dalka loo haayay uu dib u dhac ugu imaan lahaa, waxaana rajadu tahay in ra’iisul wasaaraha uu taasi kasoo jawaabo” ayuu yiri Wasiirka Arimaha gudaha Mr Goodax.

Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, kaa oo yimid ka dib isku shaandheynta golaha wasiirada xukuumada.

Dhinaca kale Baarlamaanka waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha, balse Laba jeer oo la damacsanaa in xildhibaanada loo qeybiyo mooshinkaasi waa uu fashilmay ka dib buuq hareeyay xaruntii golaha shacabka.

Goobjoog News