U bood dhigaalka

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo maanta gaaray Buulo Burde

Sheeko:Dalka
Wasiirka diinta iyo owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed
Wasiirka diinta iyo owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed

Wafdi heer wasiiro ah oo ka socda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan halkaasoo uu ka dhacay isusoobax weyn oo lagu soo dhaweynayo madaxda dowlada federaalka.

Wafdgan waxaa hor kacayay ku xigeenka ra’isul wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka diinta iyo awqaafta mudane Ridwaan Xersi Maxamed oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha wasiirada ah ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arimaha dibedda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo xubno kale iyada oo uu wehliyo safiirka dowlada Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Degmada Buuloburde waxaa sidoo kale maanta gaaray deeq raashin ah oo ay wadaan gaadiid aad u farabadan kaasoo ay dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Buulo Burde ayaa hore u saarneyd xanibaad xaga raashinka ah, taas oo sababtay in qiimaha raashinka uu sare u kaco.