U bood dhigaalka

Wasiirrada Difaaca Soomaaliya iyo Tansaaniya oo Kulmay

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalka Tanzaniya wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca Soomaaliya iyo Tanzaaniya, wasiir Cabdulqaadir ayaa ku sugan Tanzaaniya, oo dhowaan uu gaaray isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiirka gaashaandhigga Xumaadda Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa waxuu ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diirran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen, waxaana kulanka labada mas’uul ay kusoo beegmaysaa xilli dhowaan Soomaaliya ay yeelatay madaxweyne.

Goobjoog News