U bood dhigaalka

Wasiirrada u Tartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Faray Inay Is-casilaan, Akhriso Shuruudaha Kale

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga Qaban-qaabada doorahada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa goordhow soo saaray shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya jagada guddoomiyaha golaha shacabka.

Akhriso, Shuruudaha Oo Dhameystiran:

Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa.

Murashaxa u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada waa inuu guddiga qaban-qaabada u keenaa  caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.

Kharashaadka is-diiwaangelinta murashaxiinta waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No 127 ee golaha shacabka ku leeyahay bangiga dhexe ee dowladda.

Jadwalka Doorashada:

Waqtiga Diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoomiyaha golaha shacabka 10.00 am-05.00 PM(Taariikh  23-24 April 2018 Isniin iyo Talaado).

Hadal-jeedinta  murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 25-26 April 2018, Arbaco iyo Khamiis).

Diyaar-garowga  iyo is-xog wareysiga  guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka(Taariikh, 27, 29, 2018, Jimce, Sabti iyo Axad)

Doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 30 April 2018, Isniin.

Goobjoog News