U bood dhigaalka

Wasiirro Hor Leh Oo Lacag Ugu Yaboohay Soomaalida Ku Dhibban Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Goobjoog News waxaa ka baxaya barnaamij lacag loogu uruurinayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, waxaana barnaamijkaasi fadhiya guddiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo gudoomiyaha guddigaasi Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Shacab badan iyo xubno ka mid ah dowladda Federaalka ayaa ku yaboohay lacago badan, sida aad ku akhrisateen wararkeena hore.

Hadaba waxaa hadda taburacaadda kusoo biiray oo qarashaad ku yaboohay qaar kale oo ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay kala yihiin.

Wasiir dowlaha Arimaha Gudaha Caddirashiid Xidig oo ku yaboohay Bul Mushaarkiisa oo ah 2, 000 (Laba Kun Oo Doolar)

Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha Xaaji Cali oo ku yaboohay Bil mushaarkiisa oo ah 2, 000 oo dollar (Laba Kun).

Sahra Maxamed Cali Samatar Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha oo ku yaboohdey Kun Dollar (1,000).

IMG_3580

Wasiirka Ganacsiga Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan oo ku yaboohay 2,000 (Laba Kun) oo dollar.

Barnaamijka ayaa weli Idaacadda si toos ah uga baxaya, cid walbo oo Soomaaliyeedna waa uu u furanyahay si ay ugu gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibban.

Dhageystayaasha Goobjoog news ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa waxa ay inoo soo wici karaan sidan:-

Ganacsatada: 0616564444

Dadweynaha: 0615525758

Dadka dibadda: 0617073557

Waxaad lacagta lagu shubi karaa

  • AccountigaSalaama: MQD 0028404
  • AccountigaDahabshiil: 3058178
  • TeleefanEVC ah: 0617885353

Dadka dibadaha jooga waxay lacagaha si toos ah ugu soo diri karaan Gudoomiyaha gudiga Sheekh Nuur Baaruud oo laga helo: 0615303738 ama Marwo Batuulo Gabale, gudoomiye ku xigeenka gudigan oo laga helo: 0618949960

Goobjoog News