U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Dowladda Oo Gaaray Baladweyn Si Macaawino U Qeybiyaan

Sheeko:Dalka

Wasiirrada arrimaha gudaha Cabdirixhman Maxamed Xuseen iyo amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdirixhman Maxamed Xuseen Odowaa oo saxaafadda kula hadlay halkaas ayaa sheegay in ay Baladweyn u tageen labo arin:

In raashin iyo bustayaal iyo qalabka kale u qeybiyaan dadka Barakacayaasha dhowrka Kun ah oo dhibaateysan magaalada  iyo  Qiimeyn fataahhada, sababaha keena iyo sidii looga hortagi lahaa.

Tilaabada Wasiirrada ayaa timid saacado kadib markii ay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo dadka gobolka ay Goobjoog News u sheegeen in dhibaatada reer Baladweyn ay gaartay meel sare, isla markaana loo baahan yahay gargaar degdeg ah.

Dowladda Djabuti ayaa horay halkaasi u geysay raashiin loogu talagalay ilaa 6000 oo qoys laakin waxaa goobtii raashiinka lagu qeybinayey ka dhacay Boob taas oo dad badan ay ka sheekteyn.

Magaalada Baladweyn 90% dadkii degenaa muddo 3 todobaad ka badan waxaa ay joogaan dibadda magaalada iyagoo guryahoodii uga cararay biyo darteed, dadka waxaa ay ka sheegayanayaan hoy la’aan, cunto yari iyo caafimaad xumo.

Goobjoog News,