U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Galmudug Oo Xariga Ka Jaray Xarumo Dan Guud Ah

Sheeko:Dalka

Magaalda Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa laga hirgeliyay mashaariic dan guud ah, taasi oo ay fureen wasiirro ka mid ah maamulka Galmudug.

Xarumahaan ayaa isugu jira goobo kubadda lagu ciyaaro iyo xarumo shacabka loogu shaqeyn doono.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee maamulka Galmudug Saadaq Daahir Mire, ayaa ka mid ahaa xubnaha xariga ka jaray Xarumaha Danta Guud, waxaana uu furay garoon lagu ciyaarayo Kubadda Kolayga oo Gaalkacyo laga furay.

Waxa uu sheegay in dhismaha garoonkaasi marxalado badan uu soo maray, hase ahaatee ay uga mahad celinayaan cid walba oo kaalin ka qaadatay.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan oo isna xariga ka jaray xarunta Hidaha iyo Dhaqanka ee Galmudug, ayuu soo hadal qaaday in ka wasaarad ahaan ay aad uga shaqeyn doonaan horumarinta Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Mahariicda kala duwan ee laga hirgeliyay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ka faa’ideysan doona shacab badan oo ku dhaqan magaaladaasi.

Goobjoog News