U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Somaliland Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw ay ku dhawaaqeen wasiirro ka tirsanaa maamulkaasi in ay iska casileen xilalkii ay hayeen, ka dib is faham waa soo kala dhex galay iyaga iyo madaxweyne Siilaanyo.

Wasiiradaan ayaa waxaa ku jira kuwo hayey xilal muhiim ah, sidoo kalena qeyb ka ahaa xubno aad ugu dhaw madaxweyne Siilaanyo.

Xubnaha is casilay ayaa kala ah:-

  • Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis
    2- Wasiirkii Cadaaladda Xuseen Axmed
    3- Wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan
    4- Wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada DR Cabdi Aw Daahir
    5- wasiirka hawlaha guud iyo guryeenta Cabdirisaaq Khaliif Axmed
    7- Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada shaqada Iyo Arimaha Dibada Cabdi Waaxid Cabdiraxman
    8- Wasiir ku xigeenka dib u dejinta nimco xuseen qawdhan
    9 . Agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha Mawliid Waris Cabdilaahi
    10-6.Afhayeenkii Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul

Wararka ay helayso Goobjoog News waxay sheegayaan in sababta ugu weyn ee xikaan uga tageen wasiiradaan iyo mas’uuliyiinta kale ay tahay ka dib markii xalay madatooyada Hargeysa kula kulmeen Madaxweyne Siilaanyo, kaasi oo ku amray inay taageeraan mid ka mid ah musharraxiinta xisbiga Kulmiye oo iyagu aad u diidan yihiin.

Guud ahaan deegaanada maamulka Somaliland waxaa laga hadal hayaa is casilaadda ay sameeyeen mas’uuliyiintaan, waxaana laga yaabaa in xubno kale ay xilka ka tagaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News