U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Oo Xilalkii Laga Qaaday Iyo Kuwo Kale Oo La Magacaabay

Sheeko:Dalka

Ras’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Labo ka mid ah xubnihiisa wasiirada.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.

Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur oo noqonayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News