U bood dhigaalka

Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda oo Booqday Hey’adda Maareynta Musiibooyinka

Sheeko:Amniga

Wasiirrada wasaaradda batroolka mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo wasiirka wasaaradda gaadiidka badda mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac( ilka jiir) ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta masiibooyinka,  waxaana halkaas ku soodhaweeyey guddomiyaha hay’adda mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan.

Wasiirada iyo guddoomiyaha hay’adda ayaa shir saacado qaatay yeeshay, waxaana ay kawada hadleen sidii ay wasaaradahan iyo hay’adda SoDMA ay wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen iyo in wasaradda Gaadiidku ka caawiso hay’adda sidii dhamaan Dekadaha dalka xarumo ugu yeelan lahyd, si ay ugu kaydsato raashinka iyo qeybaha kale ee gargaarka.

Wasiirka batroolka ayaa dhankiisa madaxda ugu sareysa hay’adda maaraynta masiibooyinka kala hadlay cabsida laga qabo fatahaadaha laga yaabo in ay ka dhacaan magalaada Baladweyne oo bulsho badan ay ku nooshahay iyo in hay’addu u diyaar garowdo arimahaas sidii looga gaashaaman la ahaa.

Wasiirada ayaa bogaadiyey shaqada culus ee hay’addu qabatay mudadii koobaneed ee ay shaqeyneysay, iyagoo ku amaanay guddoomiyaha hay’adda dadaalka uu geliyey shaqooyinka hortabinta u leh hay’adda, oo xilligaan ku gudajirta gargaaridda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku godoonsan Sudan.

Goobjoog News