Wasiirro Somaliland Ah Oo Ka Jawaabay Sababaha Hortaagan Aqoonsiga Maamulkaas

Maanta waa 18 May, maata oo kale 1991-dii ayey Somaliland ku dhawaaqday in ay dib ula laabatay xurriyadeeda, kana go’day Jamhuuriyadda Soomaaliya, 4 Madaxweyne, tiro asxaab ah, doorashooyin dhowr ah, Afti ayaa dhacay halkaas.. 25 sano kadib, Somaliland ma heysto hal dal oo aqoonsan, dunida waxaa ay ula dhaqantaa sidii gobol Soomaaliyeed, Hadaba: Sababaha Hortaagan Aqoonsiga Somaliland ayaan kala sheekeystay madax  iyo aqoonyahan ka tirsan maamulka Somaliland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo isugu jira wasiirro iyo aqoonyahan  ayey na dhex martay dood caafimaad qabta, waxaa aan hor dhignay sababta loo aqoonsan la’yahay Somaliland?  dadkii aan la sheekeystay waxaa ay qireen in ay tahay markii ugu horeysay oo warbaahin Koofurta ah ay su’aal noocaas ah uga Jawaabaan.

Cabdulahi Cismaan Geeljire oo horay Somaliland labo Wasaaradood madax uga noqday sida Warfaafinta iyo Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda , kana tirsan xubnaha Somaliland u matalaya wada hadallada ay kula jiraan Soomaaliya oo ka jawaabayey sababa hortaagan aqoonsiga Somaliland waxaa uu leeyahay Soomaaliya waa dal burburay, dunidana waxaa uu xil ka saaran yahay in dalkaas la hagaajiyo ee ma aha in la dhiirgeliyo boobkiisa iyo kala taggiisa.

Qaraniga 21-aad ayuu sheegay in uu ka duwan yahay labadii qarni ee ka horeysay isagoo sabab uga dhigay in markii hore la eegi jiray awoodda iyo xulufeysi ee ka jiray Bariga iyo Galbeedka halka maanta la fiiriyo in dadka muranka ka dhxaeeyo aan la faragelin oo ay xal iyo wada hadal dhexdooda ah ay arrinkooda ku dhameeyaan.

Mudane Cabdulahi oo Hargeisa ku sugan waxaa uu sabab kale ku sheegay  in reer galbeedka iyo wadamada kale ay fiirsanayaan  go’aanka Afrikaan iyo Carabta ay ka gaaraan arrintan Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in Afrikaanka aanay dooneyn in ku degdegaan arrinta kala go’a labada dhinac  iyagoo-Afrikaanka- ka cabsi qaba in ay bilaabanto qowmiyaad kale oo wadamadaas ka tirsan oo sidaa dalbada.

Cabdulahi Cismaan Geeljire waxaa uu ii sheegay in aanu soo dhaweyn aqoonsiga Soomaaliland inta dhanka koofurta Soomaaliya ay ka jiraan dowlado daciif ah, inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo awood leh, go’aan cadna ka qaadan karta masiirka labada dhinac ama sii deysmo ama midnimo, waxaa uuna rajo ka muujiyay wada hadalka labada dhinac in ay sii socdaan inta waqtigaas laga gaarayo.

Maxamed Faarax oo ah qoraa ku nool magaalada Hargeisa, wax bandanna ka qoray Taariikhda Madaxdii Somaliland sida Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo goonni isu taagga Somaliland ayaa waxaa sidoo kale na dhex martay sheeko xiiso badan, anigoo weydiiyay sababaha hortaagan aqoonsiga Somaliland?

Mr. Faarax waxaa uu marka hore waqti ku qaatay in uu ii sharraxo in Somaliland aanay u baahneen aqoonsi, isagoo soo qaatay in gobollada waqooyi ama Somaliland ay ku biireen oo ay la midoobeen koofurta Soomaaliya 1960-kii iyagoo xor oo cidna aanay ku qasbin sidaa si la mid waxaa sameeyay ayuu yiri ilaa 12 dal oo Afrikaan oo sanadkaas xurriyadda qaatay sida: Congo, Suudaan, Upper  Volta, Mali….Xuriyadda ay Somaliland la noqotay May 18, 1991-dii  waxaa ay la mid tahay ayuu leeyahay sida ay sameeyeen Congo oo kala jabtay, Suudaan oo Labo dal noqotay  iyo xitaa dalka Mali oo u kala jabay labo dal oo kala ah Mali iyo Senegol.

Maxamed Faarax waxaan xusuusiyay in Somaliland aanay heysan haatan matalaad diblomaasiyadeed oo dowladnimo mid gobol iyo caalami ah intaba, Somaliland in aanay xubin ka aheyn ururro, calan iyo Passpor-keeda oo aan  midna la aqoonsaneen ee loola dhaqmo sidii gobol ka tirsan Soomaaliya…Maxaa hortaan aqoonsiga Somaliland in ay tahay qodobdka doodda?   Faarax waxaa uu arrintaas uga jawaabay in beesha caalamka ay ka war sugeyso natiijada wada hadallada u socda labada dhinac, haddii ay wax ka soo bixi waayaanna Maxkamad la aadi doono!

Cabdikarim Axmed Mooge oo horay Somaliland uga noqday wasiir ku xigeen-ka Labo wasaaradood oo kala ah: qorsheynta iyo  Kallumeysiga  waxaa uu dhankiisa ku sheegay in ay jiraan shuruuc ka  soo baxay Qaramada Midoobey, Shuruuc lagu dhaqo Midowga Afrika iyo Shuruucda IGAD oo intaba caqabad ku ah gooni isu taagga Somaliland, isla markaana diidaya in ay kala go’do Soomaaliya.

Siyaasigan oo uu dhalay Fanaankii Axmed Mooge Liibaan waxaa uu carabaabay in dunida ay rabto in Soomaalida wada hadlaan oo ama ay ku heshiiyaan in ay kala go’aan ama midnimo, arrinta ayuu intaa raaciyay in ay ka dhacday dalal Afrikaan sida Labada Suudaan iyo  Eretreia iyo Itoobiya iyo waddamo kale.

Cabdikarim Axmed Mooge waxaa uu ugu dambeyn soo jeediyay in labada dhinac ay dadajiyaan wada hadallada socda, loona baahan yahay go’aanno geesinnimo leh oo labada dhinac ah si dhinac uun loogu baxo, taasi uu Mooge shaki geliyay in ay soo dhawdahay.

W/D: C/casiis Gurbiye

 

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW