U bood dhigaalka

Wasiirro, Xildhibaanno Iyo Waxgarad Sheegay In Ay Xiriirka U Jareen Maamulka Hirshabeelle

Sheeko:Dalka

Shirweynaha wada tashiga ee mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiinta, aqoon yahanka, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka iyo qurbajoogta ka soo jeeda beesha oo ka dhacay Muqdisho ayaa maanta  lagu go’aamiyay in beeshaasi ay xiriirka u jartay maamulka Hirshabeelle.

Kulanka oo ay Goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Xildhibaan Khalif Cabdi Cumar, Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene, Xildhibaan Faadumo Faarax Ibrahim(Qamar), Wasiirro iyo Xildhibaanno Beeshaasi ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa lagu dhaliilay magacaabis uu sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble.

Beesha Baadi-Cadde waxaa ay sheegeysaa in maamulka Hirshabeelle aanu tixgelin cadaaladda, baahinta maamulka, kana  shaqeeyay sad bursi uu u sameynayo beelo gaar ah iyo in madaxweynaha Hirshabeelle Cosoble  ku guul-sareystay baahinta maamulka, iyaga oo ka digay in sida ay wax ku socdaan haddii ay sii socoto ay keeni karto aaminaad darro iyo dib u soo noolaashaha colaaddii sokeeye ee gobolka.

War Saxaafadeed uu Akhriyay Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee Hirshabeelle Ismacil Maxamed Nur , go’aannadii ku qornaa waxaa ka mid ahaa:

  1. In aysan suurgeli karin in shacabka Hiiraan ay raalli ka noqdaan sedbursi, cadaalad darro iyo iska horkeenid.
  2. Waxaan ka digeynaa in dagaallo sokeeye ka dilaacaan gobolka Hiiraan oo mas’uul ka yahay madaxwynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo maamulkiisa.
  3. Waxaa ugu baaqeynaa dhammaan beelaha deegaanka Hirshabeelle ay qaataan go’aan mideysan oo ka dhan ah dhaqamadan ka soo horjeeda rabitaanka iyo nabadda Hirshabeelle.
  4. In xubnaha baarlamaanka Hirshabeelle qaataan kaalintooda la xisaabtanka, ayna hor istaagaan dhaqamada wax u dhimaya xasiloonida Hirshabeelle.
  5. Dowladda federaalka ah, shacabka Hirshabeelle iyo beesha caalamka waxaan ku wargelineynaa in Cali Cabdullahi Cosoble mas’uuliyadeeda qaadi doono haddii uu dhiig ku daato maamulada qaldan ee Hiiraan ka magacaabay.
  6. Beeshu waxaa ay joojineysaa dhammaan wixii wada shaqeyn ah oo ay la laheyd maamulka Hirshabeelle inta laga xalinaayo tabashooyinka beesha.

Beesha Baadi Cadde, waxaa ay ka soo horjeedaan magacaabista madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble uu ku magacaabay guddoomiyeyaalsha degmooyinka  gobolka Hiiraan iyo sameynta deegaannada cusub.

Goobjoog News

IMG_20170804_115936 IMG_20170804_115938 IMG_20170804_115940 IMG_20170804_115945 IMG_20170804_115948 IMG_20170804_120221 IMG_20170804_120227 IMG_20170804_120229 IMG_20170804_120230 IMG_20170804_120416 IMG_20170804_120426 IMG_20170804_120435 IMG_20170804_120437 IMG_20170804_121045 IMG_20170804_121052 IMG_20170804_121057 IMG_20170804_121111 IMG_20170804_121113 IMG_20170804_121258 IMG_20170804_121300 IMG_20170804_121302 IMG_20170804_122145 IMG_20170804_122147 IMG_20170804_122432 IMG_20170804_122434 IMG_20170804_122437 IMG_20170804_122440 IMG_20170804_122443