U bood dhigaalka

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Bogaadiyay Horumarka Ka Jira Baladweyne

Sheeko:Dalka

Cabdiraxmaan Xirsi Kulmiye oo ah wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa bogaadiyay horumaro uu sheegay in xilligaan ay ka jiraan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Wasiirka in uu arkay isbedallo badan laga sameeyay magaalada Baladweyne, sida in la dhisay xarumaha danta guud ah iyo goobo kale oo bulshada loogu adeego.

“Isbedal badan ayaa ka muuqda magaalada Baladweyne, Xarunta gobalka, Kubadda Cagta meesha lagu ciyaarayo, garoonka iyo suuqyo waaweyn ayaa Horumaro laga sameeyay, waana soo dhaweynayaa” ayuu yiri Wasiiru dowlaha.

Sidoo kale Mr Kulmiye ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne guud ahaan ugu baaqay in ay sii xoojiyaan bilic soo celinta magaalada iyo in meeshooda ay ka wadaan qorsheyaasha ay magaalada ku hagaajinayaan.

Magaalada Baladweyne ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa ka soconayay dib u dhis aad u ballaaran, waxaana sidoo kale magaaladaasi ku qulqulayay qurbajoog badan.

Goobjoog News