U bood dhigaalka

Wax Badan Ka Ogow Qorshaha Qoyska(Family Planning)

Sheeko:Caafimaadka

Waa muhiim  helitaanka amni, deganaasho iyo barwaaqo waxaase ka horreeya in ay lamaanuhu sameystaan qorsho ay ku hagaan noloshooda si meesha looga saaro liidnaan  caafimaad oo soo wajahda haweenka iyo caruurta u nugul.

UNFPA oo u qaabilsan qaramada midoobay tirokoobka dadka ayaa sidaas sheegtay.

Qorsheynta qoyska ama (Family planning)   ( التخطيط الأسري ) waxay udub dhexaad u tahay sinaanta jinsiga iyo xoojinta haweenka waxayna muhiim u tahay oo ay kaalin weyn ka qaadataa hoos u dhigidda faqriga sida ay rumeysanyihiin cilmi baariyaasha soo saaray warbixintaan.

Qiyaas ahaan 214 milyan oo haween ah badankoodna ay ku noolyihiin qaaradda Afrika ayaa hadda ku baraarugay arrintaan, hase heeshee badankood nasiib uma yeelan inay si hufan u fahmaan micnaha qorsheynta qoyska ama  (Concept of Family planning)   ( مفهوم تخطيط الاسري) .

Dadaal xooggan oo ku aadan fahamka qorshahaan ayaa  hadda  ay wadaa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta iyo haweenka ee UNICEF  si loo helo qoys dhamestiran hoosna loogu dhigo faqriga saameeyay dadka ku nool qaaradda Afrika.

Khubarada caafimaad ee qaramada midoobay ayaa hadda ku cadaadinaya dowladaha soo koraya iney soo saaraan sharciyo taageero qorsheynta qoyska.

Khuburadaan ayaa sidoo kale fariimo caafimaad waxay u dirayaan lamaanayaasha si kor loogu qaado helitaanka bulsho bad qabkeeda dhameystiranyahay.

Bulshadeyna badankood mafahamsana barnaamijkaani waana sababta uusan uga hirgalin gudaha Soomaaliya.

Marka laga soo tago labo wadan oo ku yaallo qaaradda Asia Soomaaliya ayaa ah midka saddexaad oo bulshada ku nool loo aqoonsaday kuwa ugu dhalmada badan dunida, waqti iyo faham badan ayey u baahantahay in barnaamijkaani laga hirgaliyo Soomaaliya.

Si hooyadu waqti fiican ay ugu hesho daryeelka ilmaheeda iyo nolosha kale ee qoyskeeda waana midda loo waajib yeelay in hooyada ay nuujiso cunuggeeda labo sano oo xiriir ah.

Qorsheynta qoyska habab kala duwan ayey lamaanuhu u sameyn karaan iyaga oo la tashanayo dhaqaatiirta ku ta khasusay barnaamijkaan .

Dr Cabdullahi Maxamed Cawaale cudurrada haweenka ayuu ku takhasusay Isbitaal lagu daryeello haweenka ayuu ka shaqeeyaa waxaa uu sheegay inya jiraan habab dhowr  ah oo u sahli kara lamaanaha is qaba iney sameystaan qorshe ku hagi karo nolosha reerkooda,inkastoo ay jiraan kuwo abuuri karo xaalado caafimaad.

“Dhowr hab ayaa jira oo haweenka iyo ragga ay sameyn karaan markaan ka bilaabo haweenka waxa ugu muhiimsanna ah gabadha qaab badan ayey qoyskeeda ku maamuli kartaa tusaale ahaan hooyada markay guursato waa inay qorsheysataa diinta waa aay noo qorsheysay iney labo sano ilmaha kala weynaadaan”.

Muqaalka guud ee caruuta iyo ka warqabka badkooda waa u muhiim inuu qoys kasto sameysto barnaamijkaan si hooyada ay waqti ku filan ay ugu hesho caruurteeda.

Fatxi Maxamed Axmed