U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Faa’idooyinka Caafimaad ee Laga Helo Daangada

Sheeko:Caafimaadka

Dadbadan waxay aaminsan yihiin in daangada(Saloolka) la cuno xilliga nasashada iyo marka telefishinka la daawanayo, waaxse ka maqan faa’iidooyinka caafimaad ee ay leedahay, gaar ahaan marka guriga lagu diyaariyo.

Daangada si sahlan ayaa loo diyaariyaa iyadoo xooga saliid ah loo adeegsado marka guriga lagu diyaarinayo, waxaana si xoog ah looga isticmaalaa adduunka oo dhan.

Sida lagu qoray website-ka Boldsky, daangada waxaa laga helaa Dietary fiber oo hoos u dhiga heerka kolestaroolka xun ee jirka aadanaha, sidaas oo kale qofka waxa uu ka ilaaliyaa iney maskaxda dhiig uga furmo iyo dhibaatooyinka dhanka wadnaha ah ay soo waajahaan.

Daangada waxaa laga helaa maadada endosperm oo dheefshiidka taageerta, calool majiirkana yaraysa, sidaas oo kale waxa ay xakameysaa heerka sonorta iyo insulin-ta dhiigga.

Waxaa laga heli karaa milanka Folate ee kiimikada ah, waxa uu si iskii ah u joojiyaa oo uga hortagaa kansarka, arrinka cajiibk ah ayaa ah iney duqnimda la dagaalanto oo calaamadaheedana ay dib u dhigto anti-oxidant ku jira darteed.

Khubarada caafimaadka ayaa ku talinaya in si wanaagsan loo isticmaalo daangada(saloolka), birta iyo manganese-ka ku jira darteed, waa laba maaddo oo muhiim u ah caafimaadka lafaha.

Goobjoog News