U bood dhigaalka

Wax garad ku howlan dhexdhexaadinta Maleeshiyo ku dagaalamay Caabudwaaq

Sheeko:War
caabudwaaq
Degmada Caabudwaaq

Odayaasha dhaqanka Gobolka Galgaduud ayaa waan waan ka dhex Bilaabay Beelaha ay ka soo jeedaan Maleeshiyaadkii shalay ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Nabadoon Maxamed Ciise Cadde oo ka mid ah Odayaashaasi ayaa u sheegay Goobjoog FM in ay bilaabeen dhex dhexaadinta Maleeshiyaadka uu dagaalku ku dhex maray Dagmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Beelaha dagaalamay ayaa nabadoobku uu sheegay in dhawaan heshiis nabadeed ay kala dhex dhigeen, inkastoo uusan sheegin sababta rasmiga ah ee dib u soo celisay dagaalka qabaa’ilkaasi.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka ayaa sii kordhay, waxaana inta la ogyahay geeriyooday 10-ruux, halka ay dhaawacmeen in ka badan 15-ruux oo kale.

Dhinacyada ku dagaalamay magaalada ayaa waxay kala ahaayeen labo maleeshiyo beeleed oo xurguf hore ee ay ka dhaxaysay.