Wax garadka Baydhabo oo ka walaacsan xiisada maamulka koofur galbeed (Dhageyso)

Odayaasha iyo wax-garadka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin heerka siyaasada is diidan ee Baydhabo ka jira taas oo keentay in bannaan baxyo rabashada wata ay ka dhacaaan gudaha magaaladaasi.

Odayaashan waxa ay sheegeen in hadii aan waxba laga qaban xiisadahan siyaasadeed ay gaari doonto meel qatar ah.

Magaalada ayay sheegayaan odayaashan in ay ku sugan yihiin dhinacyo iska hor jeeda kuwaas oo ku wada sugan magaalada Baydhabo.

Baydhabo ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dibad baxyo iyo rabshado salka ku haya xiisado ku dhisan maamullo is bar bar socda oo looga dhawaaqay gobolka.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Qalinle oo ku sugan magaalada Baydhabo:

 

 

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW