U bood dhigaalka

Wax garadka Hiiraan oo ka digay dhisidda maamul aysan ogoleyn shacabka

Sheeko:Dalka

Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka digay in maamul aysan dadku ku qanacsaneyn loo sameeyo gobolka Hiiraan.

Nin sheegay in uu yahay guddoomiyaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Xasan Kulmiye Waasuge ayaa Goobjoog FM u sheegay in ay jiraan siyaasiyiiin kulamo ku yeelanayay magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in ay wadaan qorshe maamul cusub loogu sameynayo gobolka hiiraan arrintaasi oo uu sheegay in ay colaad ka dhex abuuri karto shacabka gobolka Hiiraan.

Xasan Kulmiye Waasuge ayaa tilmaamay in aayaha gobolka Hiiraan aysan ka hadli karin dad ku shiraya meel ka baxsan gobolka Hiiraan isaga oo sheegay in aysan ogolaan doonin maamul aysan dadku dhisan in lagu soo sameeyo Muqdisho.

Qaar ka tirsan maamul goboleedyada ay ku dhawaaqday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sababay is qabqabsi salka ku haya hab qeybsiga maamullada dalka laga hirgeliyo.

Hoos ka dhageyso codka Xasan Kulmiye Waasuge: