U bood dhigaalka

Wax Ka Baro Taariikhda Qareennada Dacwada Badda Ee Matalaya Soomaaliya!!

Sheeko:Amniga
Maxkamadda ICJ ayaa maanta sheegtay in aan mar dambe dib loo dhigi doonin dhageeysiga dacwadda Baddeenna ay Kenya muranka gelisay.
Inkasta oo maamulka Farmaajo uu shaqada ka diray Muno Al Sharmani oo hoggaamineysay kiiska badda, isla markaana shaqadii uu ka tagay safiir Fiqi oo hawlaha la socday iyo xeer ilaaliyihii, dalkuna uu ku jiro kala guur, oo uu mowqifka dowladdu aad liito, haddana ICJ ayaa go’aamisay in 15-ka bisha soo socoto ee March .
Hadda, Yaa Difaacaya Soomaaliya?! Taariikhda Qareennada.
Qareennada difaacaya dacwada badda ee Soomaaliya 15-ka March 2021-ka, waa 3 qareen, oo u kala dhashay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, waxaa ayna ka socdaan shirkadda Lawyarada caalamiga ah ee Foley Hoag waxa ayna kala yihiin :
1. Paul Riichler: Waa abuukaate caalami ah, oo fadhigiisu yahay Washington, D.C, kana soo baxay Harvard Law School, J.D., cum laude 1973 iyo Jaamacadda Tufts, B.A. 1969, waxaa uu ku hadlaa Spanish iyo English.
2. Prof. Philippe Sands: Waa 58 jir fadhigiisu yahay London, waxaa uu wax ka bartay Harvard Law School iyo Corpus Christi College, sidoo kale waxaa uu wax ka dhigaa University College London iyo jaamacado kale oo Mareykanka, Canada, Faransiiska iyo Australia ah.
3. Prof. Alain Pellet: Waa 72 jir, waa Abuukaate Faransiis ah, waxaa wax ka dhigaa Université de Paris Ouest – Nanterre La Défense, waxaa uu in badan lataliye u ahaa dowladda Faransiiska, waxaa uu wax ku bartay isla Paris.
3-dan qareen ee Soomaaliya u matali-doona dacwada badda, waxaa ay horay ugu guuleysteen dacwo badan, heleen abaalmarinno caaalami ah, waxaa ay caan ka yihiin maxkamadaha caalamiga, waxaa ay hubaan guusha 100%.
Soomaaliya ayaa markan qabta kalsoonida ah 100% in ay ku guuleeysaneyso kiiska dacwadda , haddii ICJ ay wax ku xukmineyso caddeymo, khariidado hore, sooyaal ay ka tageen gumeystihii  iyo sharciyada caalamiga ah.