U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow 4- Xeeladood Ee Ugu Khatarta Badan Adeegga WhatsApp-ka

Tirada dadka WhatsApp isticmaala waxay gaarayaan Bilyan qof, haddii aan si kale u dhigno Lixdii qof ee dunida ku nool qof ka mid ah ayaa isticmaala adeeggan oo si weyn dunida ugu shaacsan.

Sida uu qoray website-ka The Sun ee ka soo baxa gudaha dalka Ingiriiska, macaamiishiisa tirada badan darteed waxay ka dhigan tahay inuu yahay goob wanaagsan oo ay soo abaari karaan dadka hackers-ka ah ee khiyaanada dhanka Internet-ka ku shaqeysta.

Hackers-ku waxay isticmaalaan xeelado badan oo ay ku qancin karaan dadka si ay uga xadaan magacooda, gaar ahaan marka uu qofku yahay qof caan ah ama uu leeyahay dadbadan oo asxaab la ah, waxaa kale oo ay isticmaalaan xeelado kale oo ay kugu jaasuusaan cidda aad la hadasho iyo xaaladahaaga ay kula soconayaan.

Habada, warbixintan waxaan ku eegaynaa 4 xeeladood ee ugu khatarta badan ee ay adeegsadaan Hackers-ka WhatsApp ka dhex kalluumaysata, isla markaana ay tahay inaad iska ilaaliso.

1- Farriimaha Xayaysiinta ah

Qolooyinka xeeladaha ku shaqaysta waxay isticmaalaan farriimo ay ku soo xardhaan calaamado gacansi oo caan ah, ha noqdaan kuwo teknolajiyad ka shaqeeya ama kuwo kale oo maqaaxiyo caan ah intaba.

Farriimaha ay kuu soo dirayaan ayaa ah kuwo loo qaabeeyay sidii iney meel rasmi ah ka soo baxeen oo kale, laakiin xaqiiqo ahaan waxaa loo design gareeyay si dadka loogu khiyaamo, marka aad ku dhufuto waxaad ku dhacaysaa shabaqii ay kula rabeen.

2- Farriin coded

Hackers-ka qaar waxay kuu soo dirayaan farriimo u eeg sidii cod “Maqal ah” oo kale, si aad farriinta u dhagaysato. Laakiin intii uu cod kuu shidmi lahaa waxa uu ku gaynayaa muuqaal YouTube ah oo akhlaaq darro ah, waxa uuna isku dayayaa inuu Virus ku abuuro mobile-kaaga.

  1. WhatsApp Gold

Hackers, sidoo kale waxay dadka ku khiyaamaan isticmaala App been ah oo uu la socdo bartaanmij virus ah oo ay ku jabsanayaan barta cidda soo booqata, waxay kuu soo qorayaan farriin waxay ku leeyihiin waxaad haysataa fursad kugu kooban oo aad ku furan karto adeegga “WhatsApp Gold”, waxay kuu sheegayaan in adeeggan dadka caanka ah oo kaliya loogu talagalay, marka aad ku dhufato waxaa lagugu hagayaa barnaajikii ay rabeen, mobile-kaaguna virus ayuu qaadaya.

4-App-ka Jaasuuska ah

Waxaa hadda shaacsan app-ka WhatsApp Spy oo kuu saamaxaya inaad ogaato waxay asxaabtaada kale ku sheekaysanayaan dhanka farriimaha ay hawada isku mariyaan.

Farriin ayaa lagu soo dirayaa lagu leeyahay adeeggan ku degdeg oo yaanuu ku dhaafin, waxaad dhageysanayaan farriimaha asxaabtaada kale ay dhexdooda isku dirayaan, sida runta ah qofka la doonayo in la dhageystaa waa adiga oo shabaqa loo dhigayaa.

Goobjoog News