U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow 7 Qof Ee Ugu Awoodda Badan Dunida Dhanka Teknolojiyada 2018

Joornaalka la yiraahdo “Forbes” ayaa waxa uu soo saaray liiska kala sarreynta sanad laha ah ee shakhsiyaadka ugu awoodda badan adduunka 2018, dadkan ayaa lagu soo xulay afar arrimood; waxaa ka mid ah in laga eegayay dadka iyo hantida ay maamulaan inta ay le’eg tahay, qofku dhinacyo badan ma ka awood badan yahay, ugu dambeyn waxaa la hubinayaa in jagada uu hayo uu u isticmaalo si  si firficoon iyo in kale.

Hadaba Dhanka teknolojiyada, waxaa ka soo dhex muuqday 12 qof oo liiska Forbes ka soo dhex muuqday, waxaase ka soo qaadaneynaa 7 qof ee ugu horreysa:

1-Jeff Bezos

Waa madaxa fulinta ee shirkadda Amazon, liiska dadka ugu awoodda badan waxa uu kaga jira kaalinta 5aad, waa qofkii ugu horreyay ee hantidiisu ay gaarto 100 billion oo dolar, isagoo ka sare maray Bill Gates oo muddo dheer ku fadhisay halka ugu sarreysay liiska dadka ugu taajirsan adduunka.

2- Bill Gates

Iyadoo ay jirto in Bill Gates uu iibiyay saami badan oo uu ku lahaa shirkadda Microsoft, ayaa hadana weli waxa uu ka tirsan yahay maamulka sare ee shirkadda, liiska Forbes waxa uu ka soo galay kaalinta 7aad, dadka ugu awooda badan adduunka, Gates waxa uu ahaa muddo 18 sano ah shakhsiga ugu taajirsan adduunka.

3-Larry Page

Larry waxa uu ka qaybqaatay aasaaskii hore ee shirkadda Google sanadkii 1998, waxa uu maamule ka soo ahaa ilaa 2001, hadda waa madaxa fulinta ee shirkadda Alphabet Inc ee ay Google hoos tagto.

4-Mark Zuckerberg

Aasaasaha Facebook waa shaqsiga 13aad ee dadka ugu awoodda badan dunida, waxa uu facebook aasaasay sanadkii 2004, isagoo dhiganayay markaa Jaamacadda Harvard, iyadoo da’diisu ay ahayd 19-sano jir,  xilliyadii dambe waxaa dhiloolo xoog leh uga imaaneysay kadib markii uu ku lug yeeshay fadeexad dhanka doorashadii hore ee Mareykan ku saabsan oo  oo dad farabadan xogtooda Facebook loo isticmaalay.

5-Jack Ma

Madaxweynaha shirkadda Alibaba Group waxa uu liiska Forbes ka soo galay kaalinta 21aad dadka ugu awoodda badan adduunka, awoodda uu ku leeyahay Shiinaha iyo Teknoloojiyada darteed.

6-Tim Cook

Kaalinta 24aad waxaa ka soo muuqday waa maamulaha fulinta ee shirkadda Apple Tim Cook, waxa uu shirkadda majaraha u qabtay sanadkii 2011, kadib markii uu shirkadda iska casilay Steve Jobs, xilligaa laga soo bilaabo guulo waaweyn oo dhanka gacansiga ah ayuu la gaaray Apple.

7-Ma Huateng

Waa madaxweynaha shirkadda Tencent Holdings ee Chinese-ka ah, waa qofka 27aad ee liiska Forbes, shirkaddani waxay saameyn baallaaran ku leedahay dunida oo dhan oo wax-soo-saarkeeda laga adeegsado, wax-soo-saarka shirkadda “Tencent Froup”ee ugu caansan waxaa ka mid ah App-ka la yiraahdo “WeChat” oo ay adeegsadaan dad 1billion ka badan, shirkaddani waxay sidoo kale sheer 12% ku laadahay “Snapchat”.

Goobjoog News