U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Liiska Kala Sarreynta Laptop-yada Ugu Wanaagsan Adduunka 2018

Computer-ka Laptop-ka ah ee Adduunka ugu wanaagsan sanadkan 2018, waxaa ka mid ah mid qiimihiisu yahay $1500 dolar oo game-ka aad ugu wanaagsan, mid kale oo shaqaalaha u wanaagsan oo qiimihiisu yahay $200 oo kaliya.

Website-ka Flipboard ee dhanka teknolojiyada ku takhsusay ayaa soo saaray liiska “Laptop” ugu wanaagsan 2018, iyadoo sanadka bilowgiisa laga joogo 5 bilood oo qura.

Liiska ayaa waxaa ku jira shirkado hore caan u ahaa oo dhanka laptop-ka lagu yaqaannay iyo kuwo kale oo hadda booska ku cusub, suuqyada dunidada boos ka sameystay:

1– Lenovo

Shirkadda “Lenovo” ee dalka Shiinaha ayaa waxey ku fadhidaa kaalinta koowaad ee laptop-ka ugu wanaagsan adduunka, waxay sanadkan soo saartay laptop-ka la magac baxay “Think Pad X1 Carbon” qiimeyntii la sameeyay waxa uu ka helay 86/100.

2-HP

Shirkadda HP ayaa sanadkan waxay suuqa soo gelisay Saddex Laptop oo shacbiyad weyn yeeshay, waxaa kamid ah HP x360 Spectre, HP waxay qiimeynta ka heshay 85/100.

3-Dell

Shirkadda Dell waxay ilaashatay iney liiska kaga jirto Kaalmaha hore, waxay soo sartay sanadkan Labo nooc oo Laptop ah waxaa ka mid ah;  Dell XPS 13. Waxey qiimeynta ka heshay 82/100.

Liiska 10 shirkadood ee ugu Horreeya Sanadkan Dhanka Laptop-yada.

 

Goobjoog News