U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Mushaarka Ay Bixiyaan Shirkadaha Teknolojiyadda Ee Ugu Caansan Adduunka

Shirkadda cilmi-baarista suuqa ee la yiraahdo “Equiler” ayaa waxey soo saartay xogta data la xiriirta mushaarka dhex dhexaadka ah ee ay sanadkii qofka siiyaan shirkadaha Teknolojiyada kuwooda ugu caansan Adduunka oo ay ku jiraan Google, Facebook. Shirkadda ayaa waxey falanqayn ku sameysay xog ay ka soo uruurisay 1600 oo shirkadood.

Kaalinta koowaad waxaa ku jirta oo dhanka mushaar ugu sarreysa shirkadda Facebook, dhex dhexaadka mushaarka sanadkii qofka shaqaalaha ah ay siiso waxa uu gaarayaa $240,430 waa lacag u dhiganta $20,000 bishii, halka shirkadda kaalinta Labaad ka soo muuqatay ay tahay Alphabet ee Google maamusha, dhex dhexaadka mushaarka sanadlaha ah ee qofka soo galaa waa $197,274.

liiska kala sarreynta mushaarka shaqaalaha ee shirkadaha ugu waaweyn ee teknolojiyadda

 

Goobjoog News