U bood dhigaalka

Wax Ka Ogow Qaabka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah ayaa maanta daah-furtay tirakoobka shaqaalaha Rayidka ee dawladda, natiijada ayaa wax badan ka badali-doonta xaaladda dhabta ah ee shaqaalaha. Dowladda waxaa ay sheegeysaa in arrintan ahmiyad weyn u leedahay in la helo shaqaale tiro yar oo tayo badan.

Dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh guud ahaan shaqaalaha rayidka waxaa ay ahaayeen 5526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, xilligaas dowladda waxaa ay miisaaniyadda ku sheegtay in ay ku dhib qabto tirada shaqaalaha Garade (A) lacagta ku qaata, farqiga u dhaxeeya mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo siyaasiyiinta iyo tirada wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda…shaqaalaha dowladda madaxda sare ayaa ka badnaa shaqaalaha hoose, arrintaasi kama dhacdo caalamka

Sanadkan miisaaniyadda loogu talo-galay shaqaalaha rayidka waa $130 Milyan oo ka mid aha $274 Milyan oo ay miisaaniyadda 2018-ka ka koobantahay, waa kala-ubar miisaaniyadda, waana in ka badan kala-ubar intii shaqaalaha mushaar ahaan loo siin-jiray 2015-kii oo ahaa 53,000,000.

Dowladda hadda jirta ee madaxweyne Farmaajo waxaa ay qoratay shaqaale badan, waa adagtahay in la ogaado tiradooda waayo qaarkood kuma jiraan miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka, sidii sanadkii horana lama shaacin tirada la qaatay.

Waxaa jira shaqaale ka qoran xafiisyada dowladda, leh Garadeyada kala duwan ee A, B, C iyo D oo qaato mushaarka isla markaana aan tagin shaqada, arrintaas oo dhibaato ku ah qaranka.

Tirakoobkan cusub ee la daah-furtay waxaa ka horreeyay mid ay sameeyeen guddiga baarlamaanka ee shaqaalaha, lama oga in qorshahan cusub qoraalkooda laga tix raaci-doono iyo in kale.

Goobjoog News